Post Info TOPIC: Dib-u-xiris Forum
Allgedo Online

Date:
Dib-u-xiris Forum
Permalink   




Saaxiibayaal,


Golahan looguma tala gelin in la'isku caayo.  Aad baan uga xunahay in aadan fulin dar-daarankayagii ahaa in aan golahaan la'isku caynin.  Ilaah xasuusta oo qadafka iyo aflagaadada iska dhaafa, haddii aydan sidaas yeelina wax kale oo noo furan ma jiri doonto oo aanan ka aheyn in aan gebi ahaanba iska xirno Forum-ka oo aanay cidna faa'iido ugu jirin in lagu caytamo.  Walaaleyaal, ogaada haddii aad golahaan aan idiin furnay ku caytantaan, in aan dhamaantayo danbiga wada yeelan doono kuwa ku caytamaya iyo kuwa fududeeyay in halkaan lagu caytamo oo anaga ahba. 

Sidaas awgeed, caydu waa xaaraan, waana wax uu qof waliba Ilaah kula xisaabtami doono maalinta aakhire ee sidaas xasuusta oo joojiya aflagaadada.  Haddii aadan yeelin sidaas ee ay cayda iyo aflagaadada sii socotana, ogaada in aan gebi ahaanba xiri doono Forum-ka. 

Maamulka Allgedo Online



__________________
Page 1 of 1  sorted by
 
Tweet this page Post to Digg Post to Del.icio.us


Create your own FREE Forum
Report Abuse
Powered by ActiveBoard