Post Info TOPIC: Dib-u furis Forum
Allgedo Online

Date:
Dib-u furis Forum
Permalink   


Walaaleyaal waxaan idinla socodsiineynaa in aan dib u furnay Allgedo Forum oo intii muddo ahaaba hawada ka maqnaa.  Sababta ugu weyn ee aan Forum-ka meesha uga bixinay waa inaga oo aragnay in lagu caytamo ama la'isku aflagaadeeyo Forum-ka.  Kaddib markii aan akhriste-yaashayada ka helnay codsiyo badan oo ah in Forum-ka dib loo furo waan yeelnay codsigaas waana furnay Forumka.  Sidaas awgeed, waxaan akhriste-yaasha allgedo iyo inta Forum-kaan soo gashaba ka codsaneynaa in aanan nala ku kalifin in aan mar kale xirno Forumka.  Walaaleyaal, cayda ama aflagaadada waa xaaraan sharci islaam iyo mid gaalaba.  Marka waxaan mar labaad codsaneynaa in aanan lagu caytamin ama la'isku aflagaadeyn Forumkan. 



Maamulka Allgedo Online



__________________
Cirjiir Mire

Date:
Permalink   

Allgedo waad mahadsan tihiin furidda aad noo furteen Forumka



__________________
birlixle

Date:
Permalink   

waxaan halkaan ka salaamayaa walalaha sade meel waliba ay aduunka dacaladiisa ka joogaan intaa ka dib waxaan mahad u celinayaa maamulka gedo.com oo marlabaad isku taxluujiyay inay noo furaan meel aan figradaheena ku kala dhiibano aad baad u mahad san tihiin hoosha aad wadaan waa hool culus ee ilaah ha idinla gacan qabto aniga waa markii iigu horaysay aan soo booqdo gedo.com umana malaynayo inay noqndoonto tii iigu dan baysay waad mahadsan tihiin GOD BLESS MAREEXAAN EVERYWHERE

__________________
wadaadyare

Date:
fikradayda
Permalink   


 waxaan  jeclaanlahaa inaan halkaan ka dhiibto fikradatda  ku aadan dooda furan  marka koowad waxaan lahadlayaa  walaalaha  ku taxan forumka dooda furan mida labaad waxaan ku leeyahay  inaan mardanbe  lakasbin inuu xirmo  forumka   taas waa sidaas tan kale dhamaantiin waxaan idin dardaarmayaa cabsida  ilaahay s.w.t. ayada ayeyna liibaanta aduun iyo mida aaqiraba ku jirtaa  sidaas iyo nabad galyo



__________________
wadaadyare

Date:
salaan iyo hambalyo
Permalink   


waxaan halkaan ka salaamayaa  dhamaan walaalaha  allgedo.com waxaan kaloo halkaan ka salaamayaa  dhamaan umada marreexaan ee ku dhaqan  dunida oo idil  waxaan leeyahay  walaalayaal   hambalyo iyo salaan iga gudooma  mida labaad waxaan u mahad celinayaa  dadkii ka shaqeeyey  in la furo  forumka dooda furan  runtii waa barnaamij aan aad iyo aad ula dhacsanahay maxaa yeelay  waxay keenaysaa  xiriirka dhexeeya  walaalaha mareexaan   waxaan kaloo codsanayaa  inaan barnaamijka la qasib oo aan la qarribin  waa cayda iyo aflagaadadana laga ilaaliyo  meesha umada sharafta leh isugu timid  ama ay isku waydaarsanayso   fikradeheeda   waa umada   MARREEXAANE sidaas iyo nabad galyo......



__________________
wadaadyare

Date:
Permalink   

quote:

Originally posted by: wadaadyare

"waxaan halkaan ka salaamayaa  dhamaan walaalaha  allgedo.com waxaan kaloo halkaan ka salaamayaa  dhamaan umada marreexaan ee ku dhaqan  dunida oo idil  waxaan leeyahay  walaalayaal   hambalyo iyo salaan iga gudooma  mida labaad waxaan u mahad celinayaa  dadkii ka shaqeeyey  in la furo  forumka dooda furan  runtii waa barnaamij aan aad iyo aad ula dhacsanahay maxaa yeelay  waxay keenaysaa  xiriirka dhexeeya  walaalaha mareexaan   waxaan kaloo codsanayaa  inaan barnaamijka la qasib oo aan la qarribin  waa cayda iyo aflagaadadana laga ilaaliyo  meesha umada sharafta leh isugu timid  ama ay isku waydaarsanayso   fikradeheeda   waa umada   MARREEXAANE sidaas iyo nabad galyo......"



__________________
yuusuf m bayoow

Date:
RE: Dib-u furis Forum
Permalink   


waan idiin salaamay dhamaan bahda  all gedo salaan kaib waxaan oran lahaa   waad mahadsantihiin   


 


afeef waaan ka afeefanayaa   in la iska daay caayda wiilasha yar ee wax soo qora



__________________
XUSEEN GEDO

Date:
MA SIDAANAAD DAN MOODEEN?
Permalink   


Assalaamu calaykum?


               Walaalayaal,mawaxaad danmoodeen inaad cimrigiina ku dhamaysataan colaad iyo dagaal aan ujeedo iyo kajeedo midna lahayn,dabka kashidan Gedo,J/hoose,iyo Caabudwaaq,maxaa sababay ma iswaydiiseen wali maxaa sababay sideese loo damin karaa.Sidee maskaxdeena iyo maalkeenaba ugu jeedin karnaa horumarinta iyo kobcinta barnaamijta ijtimaaciga ah ee degaanadeena.Waxaan idiin sheegayaa reer Sade majirto jifo mida kale katirobadan,kaxoogbadan,kanasabsan,ama kaxuquuq duwan.


               Waxaan waynay hogaan siyaasadeed,mid diineed,iyo mid dhaqan oo dadka u dhex ah.Waxaan waynay aqoonyahano karti uleh inay wixii aybarteen kukala jiheeyaan dadka iyagu isku jihaysan ee aan garanayn meel ay u socdaan iyo waxa ay baadigoobayaan.Waxaan kaloo ka gablanay dhalinyaro ka nadiif ah jifa jifaysi iyo xurguf beenaadka aan dhamaanin ee soojireenka ah taasoo laga dhaxlay awoowyaal horay ule'day.


               Waxaa taladii nooqabatay niman reer Sade KADHASHAY LAAKIIN AAN UDHALAN!!!,waxaa laga yaabaa inaysan hadalkaasi inbadan fahmin,waxaan kawadaa wiilka markii ladhalo waxaa loogu farxaa inuu noqdo mid qoyskaas udhashay laakiin looguma farxo inuu noqdo mid kadhashay.haddaba hogaankeena maanta waxaa la oran karaa way naga dhasheene nooma dhalan,maxaa yeelay xaalada sade ee sii murgayaso maalinba maalinta kadambaysa uma jeedno cid ay wal-wal iyo walbahaar kuhayso oo iyaga ah.


              Waxaan idin waydiinayaa majiraan cid ay dhibayso waxa socdo iyo siday u socdaanba oo ay usiman yihiin dhamaan jifooyinka uu kakooban yahay Sade,kalana saari kara khaldanaha iyo lagu khaldamaha.Waxaan jawaab ka sugayaa dadka ku abtirsada reer Sade oo qura,kuwa aan ahayn ee meesha usoogala isku dirka MAYA!.Hadaad tahay qofkaas,isla markaana aad diyaar utahay inaad waqti galiso arrinkaas fadlan ku soobiir aduud dhalin yaro oo isu qabanqaabinayo iskudayga XAL lagu wado qanco.AFBARWAAQO77@YAHOO.COM


           Waxaan u mahad celinayaa bahda Allgedo.


 


 


 


 


 


 


 


 



__________________
bayoow

Date:
RE: Dib-u furis Forum
Permalink   


sxb xuseen waad mahasdsanatahay   laakiin sade wxaa  qasaya  waa taqaan ayaan   filyaa     oo waa rag  ku waashay anaa talin jiray iyo aabahay  ayaa wadaka  xakumi  jiray 


marka  xalku waaxuu iman karayaa marka  dad  ay noqdaan dad siman  waan oganhay hadaan sade nahay  cid dhan ayaan ka saarnay     qabiilka   oo aan ka dhignay  daad  aan nasab ahayn  oo gabdhahooda aan la guursan  oo la takooray maxay ku dhacaday  taas    yaase sameeyaya  


jawaabta  waxaan ka sugayaa cid walaboo caqli  u saaxiib ah    waan ognahay  wax   lagu haya  beelsha  dhexdeeda  waliba  raga  hoganka  sheeganya 


marka  xussen geodow xal saa  ma ku iman karaa sxb jawaabata  waa xagaaga


bye bayoow   U, A,E,



__________________
Page 1 of 1  sorted by
 
Tweet this page Post to Digg Post to Del.icio.us


Create your own FREE Forum
Report Abuse
Powered by ActiveBoard